Madaxweynaha Puntland Oo Ku Eedeeyay Dowladda federalka Inay Fashilinayso Gogosha Uu Dhigay Garoowe.
March 22, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni, ayaa sheegay in ujeedo gaar ah laga leeyahay hadal guddiga Doorashada DFS kasoo yeeray oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaran. Xaliimo Yarey oo Muqdisho shir jaraa’id ku qabatay ayaa soo dhoweysay sharciga doorashooyinka iyo guddiyada loo xilsaaray dhaqan galinta qaraarada iyo sharciga doorashooyinka, iyadoo ku tilmaamtay tilaabo taariikhi ah.
Madaxweyne Deni ayaa ku tilmaamay hadal guddiga doorashada mid aanu u muuqan in sharci lagu taageerayay, balse ay u arkaan mid looga hordhacayo dadaalada ay Puntland wado, laguna fashilinayo gogosha wadahadal ee Garoowe la dhigay.