Dawlada Xamar Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Xiisadda U Dhaxaysa Dalalka Itoobiya Iyo Masar
March 23, 2020 - Written by Berbera Today
Garoowe(Berberatoday.com)-Soomaaliya ayaa ka hadashay mawqifkeeda ku aaddan xiisadda u dhexeysa dawladaha Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyaha Webiga Niilka.
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya dhexdhexaad ka tahay loolanka labada dal ee ku muransan saamiga biyaha Niilka