Xanuunka Canoravirus Oo Dalka Itoobiya Kusii Faafaya Iyo Kiisas Cusub Oo Maanta La Helay
March 27, 2020 - Written by Berbera Today
Addis Ababa(Berberatoday.com)-Dalka Ethiopia tirada dadka laga helay xanuunka Corona Virus ayaa sii kordhaysa, waxaana ay wakhtigan maraysaa 16 qof oo iskugu jira muwaadiniin Itoobiya u dhashay iyo dad ajaanib ah.
Afar qof oo cusub ayay wasaaradda caafimaadka Itoobiya sheegtay in maanta laga helay xanuunkan, kuwaas oo laba kamid ah aanay waligood safar dibadeed u bixin,balse xanuunkan ka qaaday dad kale.
Wasaaradda caafimaadka Itoobiya waxay sheegtay in afartaasi qof ee maanta laga helay xanuunku ay kulamo dhaw la qaateen 37 qof oo dabagalo iyagana lagu hayo.