“Ma In Diyaaradda Ethiopian Airline La Joojiyo Ayaa Qummanayd,Mise In Dadka Hutelada Haysta Lagu Qasbo Rakaabka La Socda”Abwaan Weedhsame. H
March 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargdeysa(Berberatoday.com)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo kamid ah hal Abuurka Reer somaliland Ee Sida badan ka Hadla Xaaladaha Siyaasadeed Ee Somaliland ka taagan Ayaa Dareen Celiyay Talaabada Xukuumada Madaxwayne Bixi ay ku xidhay Mulkiilayaal Huteelo diiday in Hudheelkooda lagu Kaarantimeeyo dad kasoo Noqday dalka dibadiisa oo la Doonayo in La Hubiyo Bad Qabkooda Caafimaad.
