Tirada Maxaabiis La Sheegay In Madaxweynaha Somaliland Uu Cafis U Fidinayo
March 28, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay inuu warqad ku saabsan cafiska 800 oo maxbuus u gudbiyey Hay’addaha Garsoorka, sida Xeer-ilaalinta, Wasaaradda Cadaaladda iyo Ciidanka Asluubta, si ay uga soo talo bixiyaan maxaabista cafiska loo fidinayo iyo maxbuus walba wuxuu ku xidhan yahay, si looga taxadiro xanuunka dunida aadka ugu faafay ee coronavirus
Ilo-wareedyo ayaa Wargeyska Geeska Afrika u khajiiyey warqaddan Madaxweynuhu uu cafiska ugu fidinayo Maxaabiista, isla-markaana waxaa la sheegay inay warqadan uu Madaxweynuhu ku amray in aan cafis u fidin maxaabiista u xidhxidhan kiisaska cul-culus sida Maxaabiista u xidhan ka ganacsiga khamriga, budhcad-badeeda, argagaxisada, kufsiga iyo dilalka iyo kiisaska la midka ah.