|
berberatoday.com
Dalka Malaysia”Qofkii Ugu Weynaa Iyo Kii Ugu Yaraa Da, Ahaan Oo Ugeeriyooday Xanuunka COVID19
March 29, 2020 - Written by Berbera TodayQofkii ugu da’da weynaaa iyo kii ugu yaraaa ayaa maanta u dhintay xanuunka Covid-19 Malaysia. Sida ay sheegatay wasaarada caafimaadka Malaysia, waxaa dhakhtarka Malaya Medical Center ku geeryooday haweenay jirtay 91 sano taas oo uu soo ritay xanuunka Covid-19. Sidoo kale waxaa isla Hospitalka MMC ku geeryooday wiil dhalinyaro ah 00 27 sano jira, isaga oo hospitalka loo dhigay markii laga helay Covid-19 . markii hore wuxuu lahaa xanuunada aan faafin sida dhiig kar iyo kalyo xanuun, waxaana Dhakhtarka la dhigay 27 bishan. Malaysia ayaa waxa uu marayaa xaalada xanuunka dadka laga helay 2470 qof ayaa laga helay sida aad ka arki kartaan jaantuska sare, sidoo kale waxaa laga daaweeyey inta xanuunkan socday 388 bukaan waxaana u dhintay tiri gaadhaysa 34 bukaan.
Alle ha inaga badbaadiyo inaga iyo dhamaan umadaha . DrMohmoud Olol Bile COMMENTS
|
||||
|
|
|||||