Dawladda Faransiiska Oo Maxamed Bin Salman U Diiday Qasri Uu Ku Iibsaday $300 Milyan Oo Ku Yaalla Paris.
March 30, 2020 - Written by Berbera Today
Paris(Berberatoday.com)-Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ku iibsaday boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris.
Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar dhowr sanno ka hor.
