berberatoday.com
Laba Ruux Oo Ku Geeriyooday Rasaas Lagu Furay Iyo Mid Kaloo Ku Dhaawacmay Deegaanka Fadhigaab Oo Galbeed Kaga Beegan Degmada Ceel Afweyn
March 30, 2020 - Written by Berbera Today

Ceel Afweyn(Berberatoday.com)-Laba Ruux oo nin iyo Gabadh ah ayaa ku nafwaayay ruux kaloo nin ahi wuu ku dhawacantay rasaas ay ku fureen dablay hubaysani deegaanka Fadhigaab oo Galbeed kaga beegan degmada Ceel Afweyn ee Gobolka Saanag xalay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen dad shacab ah oo deegaankaasi dagan sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya deegaankaasi ee kasoo gaadhaya warbaahinta Madaxa banaan.

Weerarkan gaadmada ah ee labada ruux ku nafwaayeen oo xalay saacadihii danbe dhacay ayaa la sheegay inuu daba socdo colaadii labada beelood ee walaalaha ah deegankaasi mudad dheer ku dhex miranaysay.

Warku Waxa uu sheegay in raga weerarka soo qaaday ee dilka iyo dhaawaca geystay kasoo jeedaan Beesha Axmed Faarax Biciide ee Habar Jeclo halka Ninka iyo Gabadha Geeriyooday iyo Ka Kalee Dhaawacmayna kasoo jeedaan Beesha Sacad Yoonis ee Garxajis waxaana la sheegayaa in  arinkani qeyb kayaha aano qabiil oo labadaas beelood dhex taalay dhawr jeerna laga heshiisiiyay hase yeeshee soo noqonoqotay oo loo maaro layahay alle Hakala qaboojiyee.

Ragii dilka iyo dhaawaca geystay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen markay falkaasi fuliyeen waxase islamarkiiba goobta gaadhay ciidamada Booliska iyo Kuwa qaranka ee Gobolka Sanaag oo ku raad jooga ragii falkaas waxshinimada ah geystay sidoo kale waxa iyaguna maanta gaadhay deegaankaas dhiiladu ka dhacaday Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamed Axmed Tiimbaro iyo Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Sanaag Gaashanle Dhexe Saleebaan Ducaale Ubaxle”” Dhegacade sida uu sheegay Wariye Maxamuud Masuul oo kamida wariyayaasha Degmada Ceel Afweyn

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews