Cisbataal Markiiba La Jiifin Karo 4000 Kun Oo Ruux Oo London Dawlada Ingiriisku Ka Hirgalisay
March 31, 2020 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Cisbitaalkii adduunyada ugu weynaa oo qaadaya mar qudha 4000 oo qof, laguna dhisay laba Todobaad/usbuuc gudahood ayaa 48 saacadood ee soo socda laga furaya magaalada London.
Knightingale Xcel Hospital oo laba usbuuc ka hor uu Ra’isal wasaare Boris Johnson ku dhawaaqay, ayaa laba jeer in in ka badan ka weyn kii ay dalka Shiinahu ka fureen magaalada Wuhan bishii February oo qaadayay 1600 sariirood.
Sidoo kale Usbuuca soo socda ayaa laba Cisbitaal oo kan la mid ah ingiriisku ka furaya magaalooyinka Birmingham iyo Manchester.
Ingiriiska ayaa noqday dalkii ugu horeeyay ee adduunyada 2 usbuuc gudahood cisbitaal baaxadda leh ku dhisa.


~Mohamed Diridhaba. xigasho