“Dal Jira Oo U Baahan Aqoonsi Caalamiya Ayeynu Nahay…” Wasiir Faratoon
March 31, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay xanuunka khatarta ah ee Coronavirus ee sababay inuu isku socodkii caalamku go’doon galo, iyo samaaynta uu ku yeedhay xidhiidhkii ay Somaliland la lahayd Beesha Caalamka.

Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon),oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo dalka dibeddiisa ku sugan ayaa sidoo kale ka hadlay qadiyadda madax-banaanida Somaliland, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Coronavirus “Dalka waan ka maqan nahay, laakiin Bulshadeena Somaliland waxaan ku boorinayaa, oo aan ku gubaabinaya, kulana alinayaa inay aad isku ilaaliyaan, oo aad u ilaaliyaan caafimaadkooda, isla-markaana qaatan tallooyinka Guddida uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi magacaabay, ee mar walba ku hawlgan badbaadinta inay Bulshadooda wacyigelinayaan, illaa haddana Guddidu si fiican bay wacyigelinta u wadaa, xittaa Bulshada dhexdooda waxaa laga rabaa inay is dhiirigeliyaan, wixii tallooyin ahna kala qaatan, aadna ugu dadaalan ilaalinta nadaafadda iyo faya-dhawrka”.