“Ethiopian Airline Fasax Nagama Haysato…” Wasiirka Duulista Soomaaliya
March 31, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar wasiirka Duulista Soomaaliya ayaa sheegay inay kiis gaar ah tahay imaanshaha diyaaradda Ethiopian Airline ee magaalada Hargeysa, islamarkaana aanay haysan fasax ka duwan kan ay Somalia diyaaradaha oo dhan ku mamnuucday.
Wasiirku wuxuu yidhi “Ogolaansho aan siinay diyaaradaas ma jirto, ku meel gaadh ama fasax caadi ah toona, waxayna hadda ka degtaa Hargeysa, balse waxay keentaa dad Soomaaliyeed, sida aad ogtihiina qofkii ka yimaada dalka dibadiisa 14 maalin oo karaantiil ah ayaa la geliyaa, marka safarada diyaaradaas waa xaalad gooni ah,” ayuu yidhi wasiirka duulista hawada Soomaaliya.”