Jabuuti”Tirada Dad Laga Helay Coronavirus Oo Korodhay, Shacabka Iyo Dawladda Oo Ka Hadlay
March 31, 2020 - Written by Berbera Today
Jabuuti(Berberatoday.com)-Dawladda Jabuuti ayaa war-saxaafadeed cusub oo ay soo saartay ku sheegtay in 144 qof oo baadhis caafimaad lagu sameeyay laga helay 7 ka mid ah cudurka Coronavirus.
Guud ahaan tirada dadka la baadhay tan iyo 17-kii March ayaa war-saxaafadeedku sheegay inay tahay 620 qof, kuwaas oo 25 ka mid ah lagu arkay xanuunka.