“Xukuumadda Ayaa Looga fadhiyaa Isku Xidhka Iyo Midaynta Awoodda Qaranka, Si Looga Adkaado Cadowga Coronavirus”Cali Guray.
April 1, 2020 - Written by Berbera Today
ALLAHAYOW NA NABADGELI
NASKA IYO NARUURADA
NIMCADAADA NAGU DHAWR
Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa mooqata inay dadaalyso inta karaankeeda ahna waxba ka hagranayn. Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee heeganka u ah ka hortagga faafista COVID-19 si ay dadkooda uga badbaadiyaan Ilaahay garabkooda ha galo oo ha u fududeeyo. Wuu ku mahdsan yahay wasiirka iyo shaqaalihiisuba inay inala wadaagaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan cudurkan, si aynu ula wadaagno xogogaalna ugu noqon xaaladda. Waxa muhiim ah in aynu qaadano tallooyinkooda, la shaqayno hadii ay u baahdaan si tadawacnimo ah si aanay xaaladdu farahooda uga bixin yaraanta awoodda adeegga caafimaadka oo dabacan aad u kooban Somaliland.