Mareykanka Oo 7 Milyan Oo Dollar Ugu Deeqay Dawlada Xamar Si Looga Hortago Coronavirus
April 3, 2020 - Written by Berbera Today
USA(Berberatoday.com)-Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday taageero lacageed oo loogu talagalay wax ka qabashada iyo ka hortagga cudurka Coronavirus oo adduunka oo dhan ku haaya fara ba’an, dad kumanaan qof ay u geeriyoodeen.
Lacag gaadheysa 274 Milyan oo gargaar degdeg ah iyo kaalmo bani’aadanimo ayuu Mareykanka ugu deeqay dalalka baahida weyn u qaba si ay ula tacaalaan cudurkan.
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Soomaaliya ay lacagtaas ka heli doonto 7 milyan oo doollar.