Xaaladda Carruur Walaalo ah oo la Kufsaday, Dadka loo Xidh-xidhay, Waalidkood iyo Masuuliyiin ka Hadlay
April 5, 2020 - Written by Berbera Today
Afgooye(Berberatoday.com)-Dhacdo xanuun badan, ayaa ka dhacday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, ka dib markii halkaas lagu kufsaday laba Gabdhood oo 3 sano jir iyo 4 sano jir ah, isla markaana isku qoys ah, kuwaas oo Maamulka deegaanku sheegay inay 18 Qof u xidheen falkaas foosha-xun, wadaanna baadhitaan la xidhiidha xaqiijinta dembiileyaasha.
Labadaas Carruur ah ee la kufsaday oo xaaladdooda caafimaad lagula tacaalayo Cusibtaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo waalidkood sheegay inay isku furmeen, dhib badanna la gaadhsiiyey. Waxaanay Maamulka Cusbitaalka iyo Waalidka Carruurta ah, ayaa soo jeediyey in cidda dhibkaa u geysatay carruurta in sharciga lala tiigsado oo ciqaabta ay mudan yihiin la mariyo.