Isbahaysiga Sucuudiga Ee Yemen Ka Dagaallama Oo Xabbad Joojin Ku Dhawaaqay
April 9, 2020 - Written by Berbera Today
Yemen(Berberatoday.com)-Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sucuudiga ee la dagaallamaya xoogagga Xuutiyiinta ee Yemen ayaa ku dhawaaqay xabad joojin, sida ay sheegeen saraakiishoodu.
Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in xabbad-joojinta ay dhaqangelayso Khamiista, iyada oo lagu taageerayo dedaallada Qaramada Midoobay ee lagu soo afjarayo dagaalkan shan sano jirsaday.
Isbahaysiga, oo ay taageerayaan quwadaha millatariga ee reer Galbeedka, ayaa la dagaallamayay xoogagga Xuutiyiinta ee isbahaysiga la ah Iran ilaa iyo bishii Maarso 2015.
Ma cadda in ciidamada Xuutiyiinta ay sidoo kale samayn doonaan xabbad joojin, dhankooda ah.