Wasiir hore Oo Xukuumadda U Soo Jeediyey Inay La Timaaddo Qorshe Ka Duwan In Dadka Lagu Khasbo Inay Guryahooda Joogaan
April 9, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdillaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi-dheere), oo Xukuumaddii Axmed-Silllaanyo ka soo qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, muddo aad u dheerna ahaa Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida, ayaa sheegay in Xukuumadda looga baahan yahay qorshe umadda qanciya, balse aan looga baahnayn inay dadka ku qasabto inay guriyahooda joogaan.