Drs. Edna Aadan oo War Farxad leh Shaacisay, Shacabka Somaliland iyo Soomaalidaba Baaq Culus u Dirtay
April 10, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Drs. Edna Aadan Ismaaciil, ayaa sheegtay inay Dalka Dibeddiisa u dirtay Shaybaadhka lagu ogaado Cudurka Covid-19 oo Dalka iyo Dadku Baahi weyn u qabaan xilligan Dunidu la ciirciirayso Sadhada Shiinaha ka faaftay ee caalamka wada gaadhay.
Drs. Edna Aadan waxay sheegtay in Cusbitaalkeedu diyaariyey maryaha afka lagu xidho, si aan neefta qofku u gaadhin qofka kale oo dunida gabaabsi ku noqday, isla markaana dalka cidhiidhi ku noqday helitaankoodu, kuwaas oo ujeeddada qalabka afka laga leeyahay buuxin kara.