Dhanka kale Dr. Xergeeye waxaa uu tilmaamay in aanay ilaa hada aanay jirin kiisas cusub oo wasaaraddoodu diwaangelisay, islamarkaana ay xaaladoodu fiican tahay labadii qof ee dhawaan laga helay xanuunka Covid-19 “Waxaa aan idiin cadeynayaa in kiisaska la xaqiijiyey ee aynu hada heyna ay yihiin laba xaaladood oo kaliya, labadii xaaladoodna ay caafimaad qabaan, waxaanan idiin sheegay in wixii cisbitaala ee loo baahna hadiiba timaado in qof cisbitaal u baahdo ay diyaar ka yihiin caasimaada iyo gobolada dalka oo dhan, shaqaalahuna waa ay tababaran yihiin hadii ay dhacdo in kiisas cusub oo caafimaad u baahan la helo, dadka xuduudaha ka soo gudbay ay yihiin kun iyo laba boqol iyo shan iyo lixdan lagumana arag wax kiisa oo leh calaamadihi ama xumadii loo baahnaa, dadka karantiinka inoogu jiraana waa 64 qof waayo waxaanu aanu sii deynay 42-kii qof ee ugu horeeyay, oo aanu ka sii deynay Huteelka Royal, iyaga oo dhammaantood ay ahaayeen dad caafimaad qaba”