Somaliland Oo Hay’adda WHO Kala Wareegtay Qalab Cafimaad Ay Ku Jiraan Mushiinada Lagu Baadho Cudurka COVID19
April 13, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka wasaarada horumarinta caafimaadka Somaliland mudane Cumar Cabdillaahi Badde ayaa sheegay in hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO, ay Somaliland soo gaadhsiisay qalab caafimaad oo uu ku jiro mushiinka lagu baadho dadka looga shakisan yahay Covid-19.
Wasiirka oo hadal ka jeediyey madal lagu daahfurayay xafiiska xog urrurinta iyo go’aanada guddida heer Qaran ayaa intaasi ku daray in tababarkii qalabkaasina uu bilaabmayo labada cisho ee soo socda waxaanu caddeeyay in mushiinkani ay hay’addu keentay awood u leeyahay inuu maalintii baadho 40 qof