berberatoday.com
Madaxweyne Trump Oo Deeqdii Lacageed Ee Maraykanku Siinjiray Hay’adda Caafimaadka Aduunka Ee WHO Ka Jaray+ Sababta.
April 15, 2020 - Written by Berbera Today

Washington(Berberatoday.com)-Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay inay hakinayaan maal-gelinta Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, oo uu ku eedeeyey qarinta heerka haliska cudurka COVID-19 ee dalka Shiinaha, ka hor inta aanu ku faafin caalamka.

Trump ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad ku sheegay inuu amrayo maamulkiisa in la joojiyo lacagta Mareykanka siiyo WHO “inta laga sameynayo dib u eegis ku saabsan kaalintii WHO ay ku lahayd si xun u maamuliadda iyo daboolidda faafitaanka Coronavirus.”

 

 

 

Mareykanka waa dalka lacagta ugu badan ugu deeqa WHO, waxaana sanadkii tegay uu bixiyey 400 oo milyan oo dollar, halka China uu ka bixiyay 44 milyan. Trump ayaa sheegay inay eegi doonaan waxa lacagtaas ay ku bixin jireen WHO lagu sameynayo iminka.

“Iyada oo COVID-19 uu si caalami ah u faafayo, waxaan aad uga walaacsan nahay in deeqsinimada Mareykanka loo adeegsanayo sida ugu wanaagsan,” ayuu yidhi Trump.

Trump ayaa toddobaadkii tegay weerar ku qaaday agaasimaha WHO Tedros Adhanom, isaga oo sheegay in WHO “ay u muuqato inay u eexaneyso China,” islamarkaana dowladdiisa “ay eegi doonto inay ka joojiso maal-gelinta,”

Trump ayaa sidoo kale shaki ka muujiyey sax ahaanshaha xogta China ee ku saabsan heerka dhimashada cudurka ee dalkaas, isagoo ku eedeeyey WHO inay ka caawiso Shiinaha inay qariyaan.

 

Agaasimaha WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus, oo iska difaacay eedeynta Trump, ayaa ku baaqay midnimo iyo hakinta “siyaasadeynta” xasaraddan caafimaad ee caalamiga ah, isaga oo si gaar ah ugu booriyey Shiinaha iyo Mareykanka inay muujiyaan “hoggaan daacadnimo ah”.

Tedros, oo ah wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Itoobiya, waxa uu sidoo kale diiday eedeymaha Trump ee ah in WHO ay tahay hay’ad ay “China saldhig u tahay”, wuxuuna sheegay “inay ku dhow yihiin dal kasta.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews