Dagaal Xooggan Oo Dib Uga Qarxay Deegaanka Fadhigaab Ee Degmada Ceel Afweyn Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey
April 19, 2020 - Written by Berbera Today
Fadhigaab(Berberatoday.com)-Wararka aan ka heleyno Gobolka Sanaag ayaa waxaa ay sheegayaan in deegaan ka tirsan Gobolkaas uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeeya laba beeleed oo halkaas wada-dega.
Dagaalkan ayaa waxaa sigaar ah uga socdaa deegaan lagu magacaabo fadhigaab ee ka tirsan Degmada Ceel Afweyn Ee Gobolka Sanaag, waxaana lasoo sheegayaa in Maleeshiyo beeleedka ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in dagaalka Maleeshiyaadka uu salka ku haayo dul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka fadhigaab, welina lama oga Khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkaas Hase yeeshee dad muuqaalo Mobil kusoo duubay oo baraha bulshada soo galiyay waxay sheegayaan in Baasuukayaal laysu adeegsaday oo guryo kuyaala magaladaas fadhigaab la gubay.