“Madaxwayne Muuse Biixi Waxan Kula Talin Lahaa In Uu Ku Daydo Farmaajo…” Mujaahid Cali Guray
April 19, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf ayaa si weyn u bogaadiyay barnaamij uu shalay daah-faray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Mujaahid ayaa Madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay in uu Farmaaji ka daydo.
Barnaamijkani maaha sida Somaliland ka jirta amar ay madaxda sare soo saartay oo dadka lagu qasbayo inay qasab iyo jujuub ugu hogaansamaan sida aynu ognahay ama qayladooda ka daawanno shaashadaha TVyada. Waxa ka qaylisiinayaa maaha kibir ee waxa aanay karayn ama tahliba karin talaabooyinka ka hortagga COVID-19, sida kala durugga bulshada (social distancing) oo dhinaca Somalia uu Barnaamijkani, yaanu kuba filaanin laakiin uu wax badan uga fulin karo magaaladda Muqdisho oo qiyaastii laba milyan oo dad ahi ku nool yihiin. Madaxwayne Muuse Biixi waxan kula talin lahaa in uu ku daydo waayo waa talaabo runtii ku dayasho leh. Barnaamijkan laguma soo sarin amar ee waxa lagu soo diyaariyay heerka farsamo oo waxa diyaarisay Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada. Farmaajo waa Madaxwayne la odhan karo wuxu adeegsanayaa aqoonta dadkiisa isagoo soo dhawaysanaya taladda ka qaadanaya aqoonyahankiisa farsamoyaqaanka ah.
Ugu dambaystii waxan filayaa in Dawladda Muqdisho ay barnaamijkan ku heli doonto kaalmo dibadeed oo mug leh, qaddarka yar ee lacageedna luqada dunida mashaariicda ama barnaamijyada horumarinta waxa looga yaqaan “seed money”. Waa lacagtii lacagta keenaysay. Farmaajona intaa si fiican buu u garanayaa lakiin…