berberatoday.com
“Sanduuqa Uu Madaxwaynuhu Sheegay, Waxaan Ka Digayaa In Aan Loo Maamulin, Sidii Lacagtii Barigii Abaaraha”Siyaasi Cali Guray.
April 19, 2020 - Written by Berbera Today

BELAAYOY BAYDHOO NAGA BAYDHEEY

Waxan dhegaystay Madaxwaynaha JS oo si faah faahsan uga hadlay Ka Hortagga Faafista COVID-19. Runtii si fiican buu uga hadlay aragtidiisa shakhsi ahaa iyo xukuumad ahaanba isaga oo is dul taagay caqabadaha jira iyo awoodaheena xaddidan oo labduba ay run yihiin. Wuxu ku hakaday Madaxwayne Muuse in inaga aanay suurtogal ahayn in aynu ku dayano sida ay yeeleen waddamada waawayn ee dunidu marka ay tahay kala durugga bulshadu ee ah in la xidho dalka oo aan wax dhaqdhaqaaqi ahi jirin dadkana la yidhaa stay at home taas oo aan inaga suurtogal ahayn waa sida uu Madaxwaynuhu hadalkiisa u dhigay dadkuna ay ogyihiin in ay runtii tahay. Wuxu Madaxwaynuhu ku booriyay siiba dhalinyaradu in ay joojiyaan goobaha ay isugu tagaan. Madaxwayne Muuse wuxu xusay in baaxadda hawshan iyo baahiyaha jira awgeed Xukuumadda ay xisaab ( account) u furtay oo 3 milyan oo dollar iyadu ku shubayso, gabacsatadana la doonayo in ka qaybgasho. Madaxwaynuhu muu cadayn in hawlaha ka hortagu ay barnaamijaysan yihiin oo haya’d ama haya’doo gaar ihi u xilsaaraan doonaan iyo xaalku sidii gurmadkii abaaraha uun noqon doono ama si la mid ah.

Waxa kale uu Madaxwaynuhu ka hadlay dhibaatada jaadka ee xiligan oo madaxwaynuhu uu sheegay in taladeedii lagu jiro. Arinta kale ee muhiimka ahayd waxay ahayd arintii masaajiddada oo ah goobaha cibaadada ee dadku jamacyada ku tukadaan oo noqon kara goobaha ay dadku ku kala qaadi karaan oo dunida muslinka intooda badani go’aansadeen in guryaha lagu tukado inta waxani ay jiraan. Somaliland lafteeduna wuxu sheegay madaxwaynuhu in qorshaha xukuumaddu uu yahay mid la mid ah dunida islaamka.

Hadaba Somaliland xaalku ilaa hadda wuu sahlan yahay hadana masuuliyaddu waxay ina faraysaa in aan la isku halayn ee mar kasta loo diyaargaroobo, intii suurogal ah ta ugu xun, alla barigana iyo cibaadadana la badiyo. Runtii ka hortagga safkani wuxu u baahan yahan in loo midoobo oo aan loo kala hadhin.

Sanduuqan uu Madaxwaynuhu sheegay waxan ka digayaa in aan loo maamulin sidii lacagtii berigii abaaraha loo maamulay. Kor u qaadista iyo horumainta Adeegga Caafimaadka oo u baahan maalgelin waa in Wasaaradda Caafimaadku iyadoo adeegsanaysa dhakhaatiirta iyo aqoonyahadeeda iyo kuwa dalka jooga ee kale waa in iyadu ay qorshaha dejiso Guddida Heer Qaran ay ansixiso oo isu dhan oo wata qaabkii fulinta. Arinta labaad ee ugu muhiimsani waa Arimaha Kala Durugga Bulshada, Iyo Nadaafadda Guud oo fulinteeda ay haya’ddo kala duwani ka wada qayb qaadan karaan sida; Wasaaradda Qoyska Iyo Arimaha Bulshada, Dawladaha Hoose, Ciidamada Nabadgelyada iwm

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews