Xaalad Cusub Oo Deegaameyn Ah Oo Kasoo Cusboonaatay Deegaanka Ceelgardi Oo Hore Colaadi Uga Dhacday
April 19, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Wararka Ka Imaanaya Degaanka Ceelgarde ee Xeebta bariga Berbera oo 12km ujira magaalada ayaa waxaa kasoo cusbaanaaday Khilaaf hore u sababay dhibaato xoogan oo iska hor imaad ukeenay dadka degaankaasi wada degan sanadkii 2016 Xogta Wararka kasoo baxaya ayaa sheegaya in dad is Urursaday ay degaankaasiceelgarde ka bilaabeen inay ka samaystaan dhul la dayrayo iyo beero sharcidaro taasoo siday warbaahinta u shegeen odayaal degaankaasi ahi macnaheedu yahay degaamayn cusub oo halkaasi laga yagleelayo waxaanay odayada deegaanku sheegeen in arinkaas deg deg wax looga qabto iyadoo sida lawada ogyahay Xukuumadii Madaxwaynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay Xayiray dekad macmal ah oo sife sharcidaro ah looga Sameynaayay xeebta Ceelgarde,markii dhibaato laxaad leh ay ka dhacday oo sababi gaadhay in dagaal beeleed Degaankaasi ka qarxo sanadkii 2016,