berberatoday.com
Sanaag: Askar Ciidanka Qaranka Somaliland Ka Tirsan Oo Dhimasho iyo Dhaawac Kala Kulmay Shil Gaadhi
April 20, 2020 - Written by Berbera Today

Ceerigaabo(Berberatoday.com)-Ugu yaraan Hal Askari, ayaa ku geeriyooday, Sagaal Askari oo kale oo ka tirsan Ciidanka Millateriga Somaliland-na way ku dhaawacmeen shil gaadhi oo ka dhacay Galbeedka magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Weriyaha Ceerigaabo ee Baddacas24TV Siciid Muuse Faarax, ayaa ku soo warramaya in gaadhiga Ciidanku saarnaa gelinkii dambe ee Axadda maanta ka soo ambabaxay dhanka Ceerigaabo, isla markaana marka Shilku ku yimi ku sii jeeday deegaanka Fadhigaab oo degmada Ceel-afweyn ka tirsan, halkaas oo gelinkii hore ee Axadda maanta dagaal ku dhex-maray laba Jufo oo deegaankaas wada dega.

Gaadhiga Ciidanku watay, ayaa shilka galay intii aanu gaadhin Fadhigaab oo ay doonayeen inay dhinacyada shaqaaqadu dhex-martay ku kala dhex-galaan, waxaana halkaas ku nafwaayey Allaah ha u naxariistee hal Askari, halka ay 9 Askari oo kalena ku dhaawacmeen.

Weriye Siciid Qurbaawi, ayaa sheegay in Meydka iyo Dhaawaca Askarta loo qaaday fiidkii hore ee caawaba la gaadhsiiyey Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo, halkaas oo Askarta qaar dhaawacyadoodu cuslaayeen laga soo qaaday, isla markaana dhinaca Caasimadda Hargeysa loola soo cararay, sida uu Qurbaawi ku warramay.

Haddaba, Warka Weriyuhu ka soo diray Ceerigaabo iyo Muuqaalka Dhaawacyadaas Ciidanka-ba, waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews