27 Milyan Oo Euro Oo Uu Midowga Yurub Ugu Deeqay Soomaalida Oo Laga Qadiyay Somaliland Iyo Aamusnaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi
April 21, 2020 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Ergayga Midowga Yurub danjire Nicolas Berlanga, ayaa kulan uu Hargeysa kula yeeshay ururada bulshada oo ahaa mid ay albaabadu u xidhnayeen, wuxuu ku sheegay in lacagtaas oo uu Midowga Yurub soo marin doono dawladda Soomaaliya ay Midow Yurub ahaan ugu tallo galeen inay Somaliland hesho 10 milyan oo Euro oo ka mid ah, waxaanu ururada ka codsaday inay dabo-gal ku sameeyaan qorshahan Midowga Yurub si ay lacagtaasi u soo gaadho Somaliland.
Hase yeeshee waxa yaab noqday ka dib markii ay toddobaadkan Ururka Midowga Yurub iyo Ergayguba bartooda twitterka ku baahiyeen qorshe ka duwan oo ah in dhaqaalihii dhammaa 27 Milyan ee Euro laga saaray qaybtii Somaliland oo badankiisa la geliyay miisaaniyadda dawladda Soomaaliya iyo horumarinta imkaaniyaadka gobalka Banaadir.