berberatoday.com
“Labaatan Sanadood Muddo Ku Dhow Ninka Xisbi Dhisi Kari Waayay Ee Hogaamin Kari Waayay, Qaran Ma Dhisi Karo Mana Hogaamin Karo”Cali Guray. “
April 22, 2020 - Written by Berbera Today

“Faysal Marka Ay Tahay Burburinta Xisbiyada Qaranka Isagu Waa Ceeb-Ka-saliim, Laakiin Waa Sida Uu Doonayo In Loo Arko Isaguna Isu Arko”Siyaasi Cali Guray,

 

MARKAY RUNI TIMAAD MURAMO WAY HADHAA!!

“Faysal Wax Badan Oo Run ah wuu yidhi. Waa Gudoomiye Xisbi Qaran waajibkiisa koowaad wuxu ahaa welina yahay dhismaha iyo horumarinta Xisbiga uu isagu ka yahay guddoomiyaha. Waxa Faysal lagu qiimayn karaa hogaamintiisa hadba sida uu u Hogaamiyo xisbigiisa. Hadda xisbiga UCID oo runtii xisbi ahaan Guulo badan gaadhi kari lahaa dhibaatadiisa keliya waxan u Arkaa Faysal oo isagu keligii isu dhigay in uu yahay xisbi waayo UCID Tan iyo markii uu kala jabay ee intii badnayd ay WADDANI isugu tegeen isaga oo khadka ka baxay ayaa loo hiiliyay kuwii u huiliyayna wuu khiyaameeyay oo wuu ka hiiliyay markii uu hubsaday in xisbigii loo badbaadiyay. Hadaba Xisbigiisii waa looga tegay oo yeelay eh halkuu dhigay? Halkaa uu maanta yaalo oo laga yaabo in Faysal ku qanacsan yahay inay meel wanaagsan tahay waayo UCID wuxu ka bilaabmaa isaga wuxu ku dhamaadaa isaga. Labaatan sanadood muddo ku dhaw ninka xisbi dhisi kari waayay ee hogaamin kari waayay qaran ma dhisi karo mana hogaamin karo. Faysal marka ay tahay burburinta Xisbiyada Qaranka isagu waa ceeb-ka-saliim, laakiin waa sida uu doonayo in loo arko isaguna isu arko.

Sadexdii xisbi ee ugu horeeyay UDUB saaxadda wuu ka baxay Kulmiye iyo Ucidna xaalkooda waa la og yahay. Heerka maanta ay joogaan wuu ka hooseeyaa heerkii ay gaadheen marxaladii bilawga markii UDUB uu ahaa xisbul xaakimka. Taasi macnaheedu waxa weeye may korayn ee hoos ayay u sii noqonayeen.

Hadda sadexdan xisbi tobankii sanadood waxay kaga dhan yihiin 2022ka. Si aan xisbiyo kale u soo bixin ayaa doorashadii Golayaasha Degaanada waxa guudka laga saaray doorashadii wakiiladda si aan dadku u furan karin ururo siyaasadeed oo la tartama sadexdan xisbi, sida uu xeeeku yahay. Way ogyihiin sadexda gudoomiye in 2022 uu sadexda xisbi ay ka dhacayso sharciyadoodi, bisha December isla 2022ka waxa iyaduna dhamaanaysa muddo xileedkii Madaxwaynaha oo laga yaabo in aan doorasho-na dicin Madaxwaynuhu uu kursiga iskaga sii fadhiyo ilaa goorma? Dee haddii uu doono ilaa weligii? Xisbiyaduna ay kuwan uun ahaadaan, ilaa goorma? Ilaa weligood Guurtiduna sidoodii isaga fadhiyaan ilaa weligood.

Hadiiba ay dalka ka qabsoomi karto doorasho waxay noqon kartaa tan isa saaran hadii ay ugu horayso 2022ka. Faysal dalka uu hogaaminta Madaxwaynihiisa ka warramay tiisa marka la eego miyaanay noqonayn maroodigu takarta isaga saaran ma arko ee ta ka kale saaran buu arkaa! Faysal markaa ma wuxu raali ku yahay in dalkani u afduubnaado dad ka yar 200 oo isagu uu ka mid yahay?

Somaliland waa loo soo halgamay naf iyo maalba waa loo soo huray magaalooyin dhan ayaa u burburay. Wixii loo soo maray Afartankii sanadood ee ugu dambeeyay tacabkii ummaddan oo dhami ma wuxu ahaa in wixii laga dagaalamay oo dawladda xumo ahaa in lagu doorsado dawlad xumo kale oo iyada raali lagu yahay? Calashaan waa sokeeye oo waa teenii (Isaaq) tii horena waxay ahayd shisheeye (daarood).

Somaliland haa waa run waxa u soo dagaalamay oo naf iyo maalba u soo huray Isaaq maantana kuwa burburinteeda looga baqayaa cid kale maaha ee waa Isaaq uun. Markaa cadowga koowaad ee Somaliland waa ayo hakuu se joogaa? Aniga la iguma odhan karo waa Farmaajo, Somalia ama waa daarood. Waayo waxan cadowga koobaad ee dadkayga iyo dalkayga u arkaa kuwa tacabkii iska daa cid kale eh aan aniga oo shakhsi ihi u soo maray, aniga oo arkaya indhahayga hortooda ku burburinaya ee halgankii dheeraa ee dibu xoraynta Somaliland iyo geedigii dheeraa ee qarandhiskeedaba ka dhigaya hal bacaad lagu lisay.

Aniga shakhsi ahaan dulmigu waa ii wada dulmi. Ma jiro mid aanu isxigno oo sokeeye ii ah iyo mid qalaad oo shisheeye aan u arkayaa. Hadii sidan ay xaaladdu ku sii socoto bishu horteena way iman, wakhtiga ayaan sheegi maalin maalmaha ka mid ah, yaa sax ahaa iyo yaa qaldanaaye ha ku socoto sidii loogu talogalay. Waxa la yidhi markay runi timaad muramo way hadhaa

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews