berberatoday.com
Midawga Yurub Oo Soomaaliya ugu Baaqay inay Joojiso Ku Tacaddiga Saxaafadda Madaxa-bannaan
April 22, 2020 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga ayaa waxa uu dowladda ugu baaqay in ay joojiso caburinta ka dhanka ah saxafiyiinta, si loo helo xog dhameystiran oo ku saabsan xaaladda Waddanka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga

Safiirku waxa uu sidaa ku sheegay Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, ka dib markii uu ka soo baxay Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Ra’iisal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo Wakiillada Beesha Caalamka iyo Dowladaha Soomaaliya Saaxiibka la ah.

“Naqdintu waa qeyb ka mid ah dimuquraadiyadda, jaan-gooynta xorriyatul-qowlkuna maaha wax wanaagsan. Sidaas darteed, haddii Suxufiyiinta la xaddido, laga hor-istaago xogta,  taasi maaha daw.” Sidaa ayuu qoraalkiisa ku yidhi Safiir Nicolas Berlanga.

Dowladda uu Hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay tacaddiyo ka dhan ah Warbaahinta oo isugu jira Xadhig, Cabbudhin, Caga-juglayn iyo kala-qaybin, sida ay marar kala duwan ku eedeeyeen Soomaaliya Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadamaha iyo Ururrada Saxaafadda ee gudaha iyo kuwa caalamku-ba.

Waxa Baaqan Safiirka Midawga Yurub ku soo beegmay wakhti maalmihhii u dambaysay Ciidammada Dowladdu Weriyeyaal Warbaahinta madaxa-bannaan ee Muqdisho ka hawlgala qaarkood xidheen, halka ay kuwo kalena jidh-dil iyo hatigaad u geysteen.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews