Sharoobada uu madaxweyne Andry Rajoelina sheegay inay dawo u tahay Covid-19 ayaa laga sameeyay dhirta loo yaqaan artemisia ee qeyb ahaan kamid ah dawada lagu dabiibo cudurka malaariyada iyo dhir kale oo ka baxdawaddankaasi.
Agaasimaha madaxtooyada Madagascar, Lova Hasinirina Ranoromaro, ayaa BBC u sheegtay in ku dhawaad 20 qof muddo saddex todobaad ah lagu tijaabinayay dawadan.
Madaxweyne Rajoelina ayaa sheegay in laba qof ay si buuxda ugu dawoobeen sharoobada uu ku tilmaamay “shaah dhireed”.
“Waa in carruurta ardayda ah ay cabbaan….. xig yar ay maalintiiba ka cabbaan,” ayuu madaxweynaha u sheegay diblomaasiyiin iyo madax kale oo kasoo qeybgalay soo bandhigidda dawadan