“Beesha Caalamka Loogama Baahna Inay Soomaaliya Wax Inoo Soo Mariyaan..”Muj Cabdiraxmaan Turki.
April 24, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), oo ka mid ah Mujaahidiintii SNM, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan kala duwanaashaha Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay ixtiramaan jiritaanka Qaranimada iyo Dawladnimada Somaliland.
Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay curashada bisha Ramadaan, xanuunka Koronaha ee dunida ku faafay, kana digay colaado iyo dagaal dib looga bilaabo Gobolka Sanaag.
