berberatoday.com
Al-Shabab Oo Weerar Culus Ku Qaaday Saldhigga AMISOM Ee Garoonka BARAAWE
April 24, 2020 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Faah-faahin ayaa kasoo baxaysa weerar laba qarax ahaa oo ay dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab maanta ku qaadeen Saldhig Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin Garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Gawaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala beegsaday saldhiga weyn ee ciidanka AMISOM ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha Baraawe,isla markaana qaraxyada kadib la maqlay rasaas xoogan.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Cumar Shiikh Cabdi ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay rasaaseeyeen gaadiidka ku xirnaa qaraxyada, islamarkaana midkooda uu ku qarxay afaafka hore, halka kan kale meel aan sidaa ugu fogeyn Garoonka diyaaradaha uu ku qarxay.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in bur bur xoogan uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellada hoose.

Dadka degmada Baraawe qaarkood ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxyada, hase yeeshee aysan caddeyn karin khasaaraha ka dhashay, waxaana degan xaalada magaalada maadaama saldhiga uu ku yaalla banaanka degmada Baraawe.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada qaraxyadaas, waxaana Baraha Wararkooda ay ku faafiyaan lagu sheegay in laba Gaari oo laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen xerada, isla markaana ay khasaaro ku isugu jira dhimasho iyo dhaawac gaarsiiyeen ciidanka Uganda oo ka tirsan AMISOM.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay taliska AMISOM ee ku aadan ku aadan weerarka maanta Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin garoonka Diyaaradaha ee magaalada Baraawe.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews