Dibadbax Balaadhan Oo Markale Ka Bilowday Magaalada Muqdisho
April 25, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Waxaa markale saaka magaalada Muqdisho dib uga bilowday banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dil uu xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda 2 qof oo rayid ahaa ugu geystay degmada Boondheere ee G/ Banaadir.
Dibadbaxa ayaa waxaa dhigaya dadweyne fara badan oo ay hormuud u yihiin dhalinyaro deegaanka ah, kuwaas oo ka careysan toogashadii xalay ka dhacday isgoyska Jubba.
Dadka dhigaya dibadbaxa ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah askarta dowladda, iyaga oo sidoo kale taayaro waa weyn ku gubaya jidadka Shangaani iyo Boondheere.