UGANDA Oo War Ka Soo Saartay Weerarkii Is-Miidaaminta Ee Baraawe
April 25, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Afhayeenka ciidamada difaaca ee wadanka Uganda Richard Karemire ayaa ka warbixiyey weerarkii is-miidaaminta ee shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamadooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ee Dalka Somaliya.
Richard Karemire oo warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala ee caasimada dalkaasi ayaa sheegay in ciidamadooda ay ka hortageen weerarkaasi, islamarkaana ay qarxiyeen labo baabuur oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa, sida uu hadalka u dhigay.