Daawo Muuqalka”Waxgarad Iyo Odayaal Si Adag Uga Hadlay Dhul La Siiyay Marwadii Marxuum Cigaal Oo Ay Ku Saystaan Jufada Madaxwayne Biixi.
April 26, 2020 - Written by Berbera Today
“Madaxwaynaha Waxaan Leeyahay, Waxaa Aad Soo Qortay Ka Noqo, Hadii Kale Wixii Ka Dhaca Adiga Ayaa Masuul Ka Noqonaya”Baaqa Beesha Ciise Muuse.
Marwo kaluun Xaaji Daahir Oo Farta Ku fiiqday Waxa Ay Isku Hayaan Madaxwayne Muuse Biixi Oo Soo Taxnayd Ilaa Wakhtigii Marxuum Cigaal Talada Dalka Hayay.
“Dagaalka Haweenka Waalaysku Dilaa Muusoow, Aniguna Subeer Awal Ayaan Inan U Ahay”Marwo Kaltuun Xaaji Daahir.
Hargeysa(Berberatoday.com)-Madax-dhaqameed iyo waxgarad Kasoo jeeda beesha ciise muuse ayaa si adag u canbaareeyay dhul lasiiyay marwadii madaxwaynihii hore ee Somaliland marxuum cigaal oo dhawaan cabasho ka muujisay in dhulkii la siiyay ay ku haystaan qoyska madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.