Doon Casriya Oo Maareyaha Dekedaha Somaliland Soo Iibiyay Pilot-yada Maraakiibta Soo Xidha Oo Dekeda Berbera Soo Gaadhay
April 26, 2020 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Dekeda Berbera waxa soo gaadhay Pilot Boat-kii dhawaan Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilahi kasoo Iibiyey dalka Ireland, taasoo ay baahi-weyn u qabtay Dekeda Berbera.
Doontan ayaa ah mid Casriya, isla markaana ay raaci doonaa Captanada ama Pilot-yada soo xidha Maraakiibta kala duwan ee Dekeda Berbera lagu soo caashaqo.