berberatoday.com
Gooni U Goosadka Yemen Oo Ku Dhawaaqay Ismaamul U Gaar Ah
April 26, 2020 - Written by Berbera Today

Yemen(Berberatoday.com)-Gooni u goosatada koonfurta Yemen ayaa ku dhawaaqay in ay dhisanayaan ismaamul, arintaas oo xad gudub ku ah heshiis nabadeed oo ay bishii Noofember 2019 la saxeexdeen xukuumadda caalamku aqoonsanyahay.

Golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurta ee fadhigiisu yahay magaalada Cadan ayaa sidoo kale soo rogay xaalad degdeg ah, waxaanu sheegay in uu isagu maamuli doono magaalada Cadan iyo gobolada koonfureed ee dalka.

Golahan oo magaciisa loo soo gaabiyo STC ayaa waxa taageera dalka Imaaraadka Carabta.

Xukuumadda Sucuudigu taageero ee Yemen ayaa ka digtay “cawaaqib halis iyo masiibo noqon doona” oo ka dhalan kara go’aankaas.

“Dhawaaqaas uu sheegay golaha isku sheegay ku meel gaadhka ee ah in uu doonayo in uu maamul ka dhiso koonfurta dalku waa in ay dib u bilaabmayso falaagonimadii hubaysayd… iyo sidoo kale badheedh cad oo ah inuu diidanyahay oo uu dhamaan ka baxay heshiiskii Riyaad” ayuu yidhi wasiirka arimaha dibadda Yemen, Maxamed Al-Xadrami, oo warbixin soo saaray.

Labada dhinac waxay kala saxeexdeen heshiis awood qaybsi ah oo ay Qaramada Midoobay ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii loo soo af-jari lahaa dagaalka sokeeye ee Yemen.

Isbahaysi Sucuudigu hogaaminayo ayaa qaaday farogelin milatari oo uu ku tageerayo xukuumadda Yemen sanadkii 2015, waagaas oo ay falaagada Xuutiyiintu qabsadeen magaalo madaxda Sanca.

Imaaraadku wuxu qayb ka yahay oo ku jiraan isbahaysigaa laakiin waxa uu hadana taageeraa gooni u goosadka koonfurta.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 60% rayidka ku dhinta dagaalka Yemen ay ku dhintaan duqaynta weerarrada xulufada Sucuudigu wado

Bishii Ogost ee sanadkii hore ayaa golaha STC waxa uu qabsaday magaalo madaxdii ku meel gaadhka u ahayd dawalda ee Cadan, waxaanu ku eedeeyey xukuumada maamul xumo.

Golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurta STC waxa bishii Mey 2017 magaalada labaad ee dalka ugu weyn ee Cadan ku aasaasay siyaasiyiin, hogaamiyeyaal qabaa’il iyo saraakiil milatari.

Caydaruus Subaydi oo ah badhasaabkii hore ee Cadan ayaa markii la aasaasay golaha khudbad uu telefishanka ka jeediyey isaga oo uu ag yaal calankii hore ee Jamhuuriyaddii Yementa koonfureed shaaciyey go’aanka lagu dhisay golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurta oo uu isagu madax u noqon doono golaha hogaaminaya oo uu ku sheegay “gudida hogaanka golaha ku meel gaadhka ah ee koonfurta”.

Waxaanu markaa Subaydi sheegy in gudidaas oo ka kooban 26 xubnood oo ay ku jiraan badhasaabada shan gobol oo koonfurta ku yaal iyo laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Yemen ay qaban doonaan talada hogaanka golhaas oo ay gobolada koonfureed ku meteli doonaan dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

Xukuumadda Madaxweyne Cabdrabbuh Mansuur Haadi ayaa se isla markiiba sheegtay in ay ka soo horjeedo dhismaha golahaas.

Hase yeeshee kama dambaystii ayaa bishii Noofember 2019 labada dhinac heshiis nabadeed oo awood qaybsi ah ku kala saxeexdeen magaalo madaxda Sucuudiga ee Riyaad.

Dagaalka Yemen ka socda oo lagu tilmaamay kii ugu xumaa ee sababa duruufo adag oo aadamenimo, ayaa waxay wararku sheegayaan inay ku dhinteen 100,000 oo qof.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews