berberatoday.com
Sacuudiga Iyo Imaaraadka Oo Ka Hor-Yimid Madax-Bannaanida Koonfurta Yemen
April 28, 2020 - Written by Berbera Today

Dubai(Berberatoday.com)-Dowlada Sacuudiga iyo xulafadooda Imaaraatiga ayaa war ay soo saareen shalay oo Isniin ahayd ku qaadacday go’aankii kasoo baxay Xoogaga Koonfurta Yemen oo ku dhawaaqay Madax-banaani iyo ismaamul u gaar ah.

Boqortooyada Sacuudiga iyo Imaaraatiga ayaa ugu baaqay xoogaga Koonfurta Yemen inay dib ugu soo noqdaan heshiiskii ay bishii November la galeen dowlada Yemen ee Cabdi-rabbu Mansuur Haddi oo uu caalamka aqoonsan yahay.

Hase yeeshee xulafada Sacuudiga ayaan sheegin tilaabada ay kooxda koonfurta Yemen ka qaadi doonaan haddii ay ka hor-yimaadaan taladooda, kooxdan ayaa kamid ah xulafada Sacuudiga ee dagaalka kula jiray Xuufiyiinta Yemen.

Xoogaga Koonfurta Yemen ayaa taageero ka hela Imaaraatiga, waxayna hore gacanta ugu dhigeen magaalada Cadan iyo Madaxtooyada Kumeel gaadhka ahayd ee Madaxweyne Haddi bishii Agoosto ee sannadkii hore, waxaase dagaalkaasi u dhaxeeyey dowlada Yemen iyo Xulafadooda Koonfurta lagu xaliyey heshiis ay bishii November kuwada saxiixeen magaalada Riyadh.

Heshiiskii November ayaa qorayey in labada dhinac ay wada dhisaan Dowlad ay ku mideysan yihiin, isla markaana hubkooda waaweyn ka saaraan labada dhinac magaalooyinka ay gacanta ku hayaan, balse heshiiskan ma dhaqan gelin.

Go’aanka Koonfurta Yemen ay ismaamulka u gaarka ah ugu dhawaaqeen ayaa la sheegayaa inay tahay mid ay ku hirgelinayaan hamigooda oo ah in Gooni u goosad iyo in dalka Yemen loo qeybiyo siduu ahaa intii u dhaxeysay 1967dii illaa 1990kii.

Xiisadan cusub ayaa kusoo beegmaysa xili koonfurta Yemen ay ka jirto xaalad bini’aadamnimo kadib fatahaadii dhawaan ka dhacay magaalada Cadan oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, taasi oo ay usii dheertahay in horaantii bishan markii ugu horeysay la xaqiijiyey inuu cudurka Covid-19 gaadhay wadankaasi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews