Tirada Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee UK Ugu Geeriyooday Xanuunka Covid_19 Oo Gaadhay 40 Ruux
April 29, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Tirada dadka asal ahaan ka soo jeeda Somaliland ee dalka UK ugu geeriyooday xanuunka Covid_19, ayaa gaadhaysa 40 ruux.
Sidaana waxa ku dhawaaqay Wakiilka Somaliland u jooga dalka Ingiriiska Cabdi Cabdillaahi Diiriye, oo sheegay inuu hayo liiska Dad gaadhaya 40 Qof oo reer Somaliland oo Xanuunka Covid_19 ugu Geeriyooday dalka boqortooyada Ingiriiska.
Cabdi Cabdillaahi Diiriye, Safiirka Somaliland u jooga dalka Ingiriisku wuxuu sheegay in Dadka dhintay isugu jiraan Dad waayeel ah iyo kuwo dhallinyaro ah, kuwaasi oo ku filiqsanaa Gobollada dalka UK.