Wasaaradda Caafimaadka Oo Ka Hadashay Qof Looga Shakisnaa Covid_19 Oo Hargeysa Ku Geeriyooday H
April 29, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ayaa ka hadashay Warar sheegaya in Qof waayeel oo Hargeysa ku Geeriyooday uu qabay Xanuunka dunida ku faafaya ee Covid_19.
Qofka Geeriyooday oo dhawaan Cisbitaallada gaarka loo leeyahay u soo gudbiyeen Cisbtaalka guud ee Hargeysa, gaar ahaan qaybta la dhigo Dadka Xaaladdooda Caafimaad culus tahay ee loo yaqaano (ICU), ayaa Allaah ha u naxariistee markii dambe uu Qofkaasi ku Geeriyooday.
