Dawladda Qatar Oo La Filayo Inay Hargeysa U Soo Dirto Wefti Culus Oo Diyaarad Gaar Ah Ku Sidda Mucaawino
May 2, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid_19.
Warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in weftigani ay Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana la filayaa inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.
