Ciyaaryahanka Mascuud Ozil Oo Soomaaliya Ugu Deeqay Raashin Af-fur Ah
May 3, 2020 - Written by Berbera Today
Ankara(Berberatoday.com)-Laacibkan ayaa kafaale qaaday afurinta 16,000 oo qof bisha Ramadaan, kuwaas oo ka kooban 2,000 qoys oo Suuriyaan iyo Turkish ah. Dhanka kale Mascuud Ozil ayaa 90,000 oo raashin Af-fur ah ugu deeqay Soomaaliya, taasi oo lagu qaybin doono magaalada Muqdisho, waxaanu lacagta ka baxaysa oo caddadkeedu dhan yahay £80,000 uu gacanta ka saaray Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.
Madaxa Bisha Cas ee Turkiga ayaa wargeyska Daily Sabah ee kasoo baxa waddankaas u sheegay in sannadka oo dhan ay quudiyaan dadka baahan, waxaanu u mahadceliyey muxsiniinta sadaqada ugu tabaruca ee la socda shaqadooda.