berberatoday.com
Cumar Finish: “Dadka Ku Dhintay Muqdisho 12 Cisho Tiradoodu waa Shan Boqol (500) oo Qof..”
May 3, 2020 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), ayaa sheegay inay diiwaangeliyeen Dad Shan Boqol oo Ruux ka badan oo u ku dhintay Muqdisho muddo 12 Cisho ah, kuwaas oo ay aamminsan yihiin inay u dhinteen cudurka Covid-19 ee Dunida saameeyey oo Soomaaliyana si xawli ah ugu faafayey dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyey.

 

Guddoomiye Cumar Finish oo ka hadlaayay munaasabad lagaga hadlay Covid19 oo Sabtida 2-da bisha May 2020 lagu qabtay Muqdisho, waxa uu sheegay in maamulku gobolka Banaadir iyo ka caasimaddu diiwaangeliyeen dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, waxaanu sheegay in celcelis ahaan maalin kasta ay 30 Ruux ku dhintaan, sida ay baadhistooda ku ogaadeen.

Duqa Caasimadda Muqdisho ahna Gudoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Finish, ayaa sheegay in aay sameeyeen tira koob ku aadan dadka ku dhinta Muqdisho, waxaana uu xaqiijiyay in 19-kii bishii hore ilaa hada ladiiwaan galiyay 500 oo qof oo ku dhintay magaalada Muqdisho.

Cumar Finish oo sharraxaya tiradaas waxa uu yidhi; “Xafiiska Ra’iisal-wasaare Kheyre, ayaa nafaray inaan baadhis ku sameeyno dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, tira-koobka waxaan bilownay 19-ka bishii hore.”

“Waxaan maalin walba gudbinnaa tirada dadka dhinta, tiradii ugu yareeyd waxaay ahayd 22 Qof, tiradii ugu badneyd ee aan u gudbinnay Xafiiska Raiisul-wasaaraha waxay ahayd 49 Qof. Tirada guud waxaay noqoneeysaa 500 oo Qof.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Cumar Finish.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa hadalkiisa intaas ku daray inay wadaan wacyigelin ku saabsan yaraynta faafitaanka cudurka Covid19, waxaana uu dadka ugu baaqay inay qaataan talooyinka caafimaadka iyo amarrada dowladda.

Xanuunka Covid19, ayey Wasaaradda Caafimaadka Federaalka Soomaaliya sheegtay inuu si qunyar ah ugu dhex-faafay bulshada Soomaaliya, waxaanay ku celcelisay inay Shacabku qaataan waanooyinka dowladda iyo talooyinka caafimaadka ee loo jeedinayo, si loo yareeyo faafitaanka cudurkaas oo Soomaaliya Kun Qof ku sii dhaw.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews