berberatoday.com
Ciidammada Ilaalada Xuduudaha Labada Kuuriya Oo Rasaas Is-weydaarsaday
May 4, 2020 - Written by Berbera Today

North Korea ayaa rasaas ku furtay xarun ay ku sugnaayeen ilaalada xadka ee South Korea oo ku taal xudduudda aadka loo ilaaliyo ee kala qeybisa labada dal, milatariga Seoul ayaa sidaas sheegay Axadda maanta ah.

XUDUUDKA LABADA KUURIYA.jpg

XUDUUDKA LABADA KUURIYA.jpg

Ma jirto wax khasaare ah ama burbur ay rasaastaasi u gaysatay dhanka South Korea, laakiin millatariga dalkaasi ayaa rasaas jawaab celin ah furay iyagoo digniin ka baahiyay xadka, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada ee South Korea.

Ma cadda sababta keentay in North Korea ay rasaas ku furto ciidamada ilaalada xadka ee South Korea. South Korea ayaa sheegtay in rasaastu ay bilaabatay 7:41 AM ee waqtiga dalkaasi. North Korea ayaan wax war ah ka soo saarin dhacdadan.

Dhowr saacadood ka dib dhacdadan ayay saraakiisha militariga ee South Korea waxa ay sheegeen iney aaminsan yihiin in rasaasta ay soo rideen askarta North Korea aysan ahayn mid ku talogal ah.

Taliska uu Mareykanku hogaamiyo ee ciidamada QM ee ilaaliya agga militariga ka caaggan ee DMZ, ayaa u sheegay VOA inay “ka warqabaan dhacdada la soo wariyey iney saaka ka dhacday agagaarka aagga DMZ.”

“Howlgalka UNC waxa uu wada shaqeyn dhow la leeyahay madaxda ciidamada Jamhuuriyadda Korea si loo qiimeeyo loona sii wado la socodka xaaladdan,” ayuu yiri Col. Lee Peters, oo ah agaasimaha arrimaha bulshada ee UNC.

Waxaanu intaas ku ladhay; “UNC waxa ay sameyn doontaa baaritaan buuxa oo bilaabanaya maalinta berri ah (Isniin, 4-ta May) si ay u go’aamiso haddii uu jiro xad gudub heshiiskii xabadjoojinta ahaa, waxayna warbixinta marka baaristan la dhameeyo la wadaagi doontaa cidda ay quseyso.” ayey

Mareykanka ayaa waxaa ka jooga dalka South Korea askar gaareysa ilaa 28,000.

Xigasho VOASomali.com.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews