Tirada Dadka Covid-19 Laga Helay Iyo Dhimashada Oo Korodhay Soomaaliya Iyo Deegaannada Uu Ku Fiday
May 4, 2020 - Written by Berbera Today
Muqdisho(Berberatoday.com)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in 51 Qof oo cusub laga helay Cudurka Covid-19, isla markaana ay tirada guud ee Dadka Soomaaliya Xanuunka laga helay noqonayso 722 Ruux, isla markaana ay 32 Qof u dhinteen xanuunkaas, halka ay cudurka ka ladnaadeen 44 Qof.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Drs, Fowsiya Abiikar Nuur oo warbixinta maalinlaha ah ee Sadhada Covid-19 Warbaahinta la wadaagta, ayaa Axadda 3-da May 2020, sheegtay inay kiisaska Dadka xanuunka laga helayaa si kordhayso dalka Soomaaliya, isla markaana bulshada looga baahan yahay feejignaan iyo inay qaataan talooyinka caafimaad iyo go’aannada dawladdu ku xaddidayso faafitaanka Corona-virus.