Mareykanka: “ Waxaan Haynaa Cadeymo Ah In Covid-19 Lagu Sameeyay Sheybaar Ku Yaalla Shiinaha “
May 5, 2020 - Written by Berbera Today
USA(BErberatoday.com)-Xog-hayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa sheegay iney jiraan cadeymo waaweyn oo muujinaya in coronavirus uu ka soo unkamay sheebaar ku yaal magaalada Wuhan ee Shiinaha, oo ah halkii uu markii horaba ka soo bilowday xanuunkan saf-marka ah.
Mike Pompeo ayaanan sheegin cadeyn taagereysa warbixintiisa balse waxa uu sidoo kale sheegay inuusan hayn sabab uu shaki u galiyo warbixinta waaxda sirdoonka Mareykanka ee tibaaxeysay in fayraskan uusan ahayn mid uu bini’aadan gacantiisa ku sameeyay.