Seynisyahanno U Dhashay Uk Oo Soo Saaray Dawo Loogu Talagalay Covid-19
May 5, 2020 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Dawo cusub oo ay seynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska usoo saareen cudurka Covid-19 ayaa lagu tijaabiyay Isbitaalka Jaamacadda Southampton ee waddankaas.
Dawadan oo ay iska kaashadeen khubaro caafimaad ayaa ka kooban burutiin ama nafaqo lagu magacaabo ” interferon beta”, taasoo ah dhacaan uu jirkeenna soo saaro marka uu la kulmo fayras ku dhex faafaya.
Natiijooyinka hordhaca ah ee tijaabada lagu sameeyay dawadan ayaa la filayaa inay soo baxaan dhammaadka bisha June.
Waxaa hadda jira dawooyin shaqeynaya oo ay dhakhaatiirtu u adeegsadaan inay ku xoojiyaan difaaca jirka dadka bukaannada