“Siyaasadda Arimaha Dibadda Ayaa Runtii La Hadhay Somaliland Oo Ka Dhigtay Wax Aan La Iskuba Lurin”Siyaasi Cali Guray.
May 6, 2020 - Written by Berbera Today
SOMALILAND: SIYAASAD FADHIID AH AYAA LA HADHAY
Turkigu runtii Somalia nafta ayuu dul dhigay waana saaxiibka ugu mudan ee Somalia, marka laga reebo Somaliland oo la og yahay in aanay jirin cid u hagar baxday sida Turkigu uu Somalia ugu hagar baxay. Dabcan Turkiga iyo Somalia wax ay kala iibsadeen baa jira siyaasadduna waa dano ee maaha jacayl iyo nacayb. Somaliland way jiraan kuwo dano ka leh marka laga eego dhinaca Jiyoosiyaasiga waayo waxay dhacdaa buqcad istraataji ah oo muhiim u ah dhinaca nabadgelyada iyo dhaqaalaha heer goboleed iyo heerka caalamiga ahba. Laakiin Somaliland waxay ku habsaantay kuwo indhaha ka lalinaaya oo si fudud ay indhahooda xageeda ugy soo jeedin karto haday mar keliya xagga kale ee RUSSIA, China, iyo Iran iyo xulafadooda ka soo horjeeda Maraykan ay jaleecdo. Xataa booqasho uu mar keliya Madaxwaynaha Somaliland ku soo maro wadamadaasi ama qaarkood ayaa dhulka kaga dhufan karta wadamada reer galbeedka iyo kuwa carabta ee Somaliland jaleecadoodii ay indhuhu ku daaleen balse aan iyagu oodda ka rogin. Booqasho uu Madaxwaynaha Somaliland ku tago Moscow ayaa kuligood ku noqon kara fajac iyo amakaag weliba haddii is-faham ilaa iyo xad ahi uu dhexmaaro waabay waalan lahayd horta Carabta aan waxyeelo mooyee waxtar micno leh marna u yeelan Somaliland.