berberatoday.com
Shirkad 16-Sannadood Sifo Aan Lagaranayn Malaayiin Lacag Ah Uga Faa’iida Kawaanka Xoolaha Hargeysa Iyo Mooganaanta Xukuumadda Madaxweyne Biixi.
May 7, 2020 - Written by Berbera Today

“Akhri Qaabka Looga Macaashay Kawaanka Xoolaha Hargeysa, Inta Neef Ee Lagu Qalo Maalintii Iyo Khidada Cajiibka Ah Ee Ay Shirkadda Maandeeq Isticmaasho Ee Ay U Lunsato Cashuurta Dawladda.

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkad macaash doonka ah ee lagu magacaabo Maandeeq ayaa muddo 16-sanno ah qaab aan la garanayn u maamulaysay dakhli culus oo ka soo gala kawaanka Gowraca xoolaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo Xukuumadda meel weyn ka gufayn, balse aanay dhaadin Xukuumaddii kale dambeeyey ee KULMIYE dhaafta dhaqaale ee Qaranka uga soo xaroon lahayd .

Shirkadda Maandeeq ayaa waxa mashruuca Nadaafadaynta “Hygiene” ee Kawaanka Xoolaha lagu qalo ee Magaalada Hargeysa ku wareejisay Xukuumaddii Daahir Riyaale wakhti ku siman Bishii January 1-deedii 2006-dii, taasi oo uu door weyn ku lahaa Maayarkii Wakhtigaasi ee Dawladda Hoose Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo la sheego inuu isaga laftiisu ka mid yahay saamilayda Shirkaddan, waxaanay tan iyo wakhtigaasi oo ay hadda kaso wareegtay 16-sanadood si xor ah iskaga manaafacaadsanaysaa dakhliga ka soo gala

Dhan kale kale Shirkaddan ayaa waxay Neefka Geella ah ee lagu qalo Kawaanka ka qaadaa cashuur dhan, 58000-kun oo Shilin Somaliland ah oo nadaafad ah, Neefka Adhiga ahna12000-kun, halka ay Neefka Lo’da ahna ka qaado 33000-kun, waxa isku celcelis ahaan Maalintii Kawaanka Hargeysa lagu qalaa Xoolo isku gayn noqonaya 5000-Neef oo iskugu jira Lo, Adhi iyo Geel, kuwaasi oo ay ka soo xerooto lacag ka badan 12-kun oo dollar, taasi oo sanadkii Noqonaysa Dakhli ka badan afar Milyan oo dollar, waxaanay lacagtaasi muddo 16-sanno ah sifo aan la garaynayn ugu dhacaysay jeebka Shaqsiyaasi gaar ah oo iska manaafacaadsadda.

Arrimaha Cajiib ah ee ka yaabiyay Ganacsatada Hiliblayaasha Hargeysa ee ay shirkaddani ku arkayayeen muddo dheer ayaa wax ka mid ah inay shirkaddani si toos ah oo aan qarsoodi lahayn ay uga been sheegto tiradda xoolaha maalinlaha ee lagu qalo Kawaanka Hargeysa si ay u lunsato cashuurta yar ee kuwaajibtay inay Dawladda u xerayso, waxay si maalinle ah tiradda Xoolaha lagu qalo Kawaanka Xoolaha Hargeysa u gudbiyaan Maayarka Hargeysa, iyagoo si layaab leh tirada Xoolaha u yareeya, tusaale ahaan waxay geella ka dhigaan 7-neef oo qudha halka ay boqolaal Neef oo Geel ah Kawaanka lagu qalo, taasi oo burbur ku ah nidaamka dakhli ururinta ee Qaranka, iyadoo aanay shirkaddani wax qaliin ah shaqo ku lahayn balse ay mashruuc ku haysato Nadaafadii “Hygiene” Dawladda Hoose qaban jirtay.

Gunaanadkii Dakhli culus ee Xukuumadda kaga laaban,Kawaanka Hargeysa oo ay shirkaddani nadaafadaynteeda gacanta ku hayso,haddii si fiican loo maamulo waxay kafayn kartaa qaybo dhan oo ka mid ah kharashaadka muhiimka ah ee Qaranka, gaar ahaan Dawladda hoose ee Hargeysa, madaama oo uu kawaankani yahay il dhaqaale oo aad u mihiim ah, balse hadda ay dheeftaan shaqsiyaad aan ku xisaabtamayn inay maruun la kulmi doonaan la xisaabtan dawladeed.

Xigasho Wajaalenews.net
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews