Safiirka Maraykanka Danjire Donald Yamamoto Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya
May 9, 2020 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Safiirka Maraykanka Danjire Donald Yamamoto, ayaa shirjaraa’id oo uu khamiistii 7 May si toos ah u qabtay isagoo adeegsanaya adeega Zoom kuna sugan magaalada Muqdisho, waxa lagu weydiiyay su’aalo kala duwan oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya, wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo xanuunka Covid_19 oo dunida gilgilay.
Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo ka mid ahaa saxafiyiinta ay safaaradda Maraykanku ku casuuntay shirka jaraa’id ayaa isagoo Hargeysa ku sugan wuxuu si toos h u weydiiyay safiirka Maraykanka, su’aalo ku khuseeya Somaliland.